Wararka ka imaanaya dalka Maali oo ka mid ah wadamada dhaca Galbeedka qaarada Africa waxey sheegayaan in weerar xoog ku gal ah lagu qaaday saldhig ciidan.
Weerarkan xoog ku galka ah waxaa sigaar ah loogu qaaday saldhig weyn oo ciidamada Huwanta ah ee ku duulay dalka Maali ay ka samesyteen qeybo ka mid ah Waqooyga dalkaasi.
Saldhigan weerarka culus lagu qaaday waxa uu ku yaala magaalada Tembaktu oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkaasi.
Lix ruux oo Ingimaasiyiin ah ayaa la xaqiijiyay iney xoog ku galeen saldhiga kuwaasi oo inta badan la wareegay gacan ku heynta saldhigaasi.
Ciidamada Huwanta ee ku sugan saldhigaasi ayaa mashquul ku jiray xilliga weerarka lagu soo qaadayay saldhiga,iyadoona ay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi xoog ku galka ah.
Sidoo kale xaruntaan weerarka culus lagu qaaday waxaa xafiisyo ku leh saraakiil sar sare oo ka socota Qaramada Midoobe kuwaasi oo qeyb ka ah hogaanka sare ee Shisheeyaha ku duulay dalkaasi.
Inta la xaqiijiyay Tobaneeyo ka tirsan saraakiisha iyo askarta ku sugneed saldhiga ayaa weerarkan lagu dilay tiro kalane waa lagu dhaawacay.
Saacadihii lasoo dhaafay ayeey aheed markii weerar xoog ku gal ah lagu qaaday hoteel iyo maqaaxi ku yaala magaalada caasimada u ah dalka Burkina Faso lagu dilay inka badan Sideed iyo Toban ruux oo u badan dad Reer Galbeed ah.
Calamada.com
Dagaal iyo nin duulaan kayimid amase saan daansi
Dilkaa iyo xaduuqaa nin rabay daysi malahayne
Nin dafiray wujuud kaa malahan daawo nololeede
Dakanaday qabaan baa ka badan daaqa xoolahaye
Daynay qabeen baa jirtoon daalibay naaye
Dayuus iyo wadaad xume anaan doonin hadal koode
Nin dafiray shareecada anaan doonin hadal kiise
Nin dulaalay ciidiis anaan doonin hadal kiise
Dasaatiir kufriya anaan daawo moodayne
Duud xanaaladii iyo anaa nacay dir koodiiye
Rabi doori Ictisaam ahoo diinti iibsanaya