Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen difaacyada ciidamada shisheeyaha iyo kuwa dowlada Farmaajo ay ka sameysteen duleedka degmada Mahadaay oo ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxa uu ka dhacay deegaanka Cali-fooldheere oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka Mahadaay.
Ciidamada Shabaabul Mujaahiidin ayaa si toos ah u weeraray saldhiga iyo difaacyada ciidamada Kufaarta Burundi iyo kuwa maleeshiyaatka Ridada ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka deegaankaasi.
Dadka deegaanka waxey warbaahinta u xaqiijiyeen in dagaalkan xalay ka dhacay deegaanka uu ka mid noqonaya dagaaladii ugu cuslaay ee mudooyinkii dambe ka dhacay deegaankaasi.
Dhowr jeer oo hore dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay deegaanka Cali-fooldheere iyo deegaano kale oo dhaca duleedka degmada Mahadaay waxaa ciidamada Burundi iyo kuwa Soomaalida ah ee shisheeyaha kabo qaadka u ah looga gubay tiro gaadiid loogana dilay askar iyo saraakiil.
Calamada.com