Maleeshiyaatka dowlada Federaalka waxey si bareer ah qof shacab ah ugu dileen duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada isku xirta magaalada Xamar iyo degmada Afgooye.
Askari ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa si bareer ah u toogtay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa yimid kadib markii ruuxa ganacsadaha ah oo lagu magacaabo Abshir Cabdi Raxman Wehliye uu ka dhaga adeegay lacag baad ah oo uu weydiistay askariga ka tirsan maleeshiyaatka Farmaajo.
Muran kadib askariga Murtadka ah ayaa wiilkan dhalinyarada ah ku dhex dilay goobtiisa gacansi iyadoona arintaan ay si aad ah uga naxeen ganacsatada iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan deegaankaasi.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya si bareer ah dad shacab ah ugu daldaleen deegaan hoostaga degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo.
Calamada.com