Wararka ka imaanaya dalka Burundi waxey sheegayaan in weerar khasaara culus dhaliyay uu ka dhacay magaalada caasimada ah ee Bujumbura.
Weerarkan oo loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuura waxaa lagu qaaday labo Mqaaxi oo ku taala gudaha magaalada Bujumbura.
Warbaahinada gudaha Burundi iyo kuwa Caalamka ayaa baahiyay in qaraxyadaasi Bam ay sababeen khasaara nafeet oo aad u xoogan.
Inta la xaqiijiyay weeraradaasi Bam waxaa ku dhintay Afar ruux waxaana ku dhaawacmay Sagaal iyo Labaatan Ruux kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.
Isbitaalka guud ee magaalada Bujumbura ayaa la dhigay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi Bam ee ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Dalka Burundi waxaa mudooyinkii dambe ka taagnaay qalalaaso xoogan oo u dhaxeeya dowlada iyo mucaaradka dalkaasi,waxeyna dowlada Nasaarada Burundi qeyb ka tahay dowladaha ciidamadooda duulaanka ku joogaan qeybo ka mid ah dalka Somaliya.
Calamada.com