Wararka ka imaanaya magaalada Cadan ee dalka Yemen waxey sheegayaan in weerar qorsheysan oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaaladaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsnaay dowlada daba dhilifka dalka Yemen.
Weerarkan gaarka waxa uu ka dhacay deegaanka Cabdul Qawi oo ka tirsan magaalada Cadan kaasi oo lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Korneel Muxamed Naasir Al-maarmii.
Sarkaalkan waxa uu ka tirsanaay saraakiisha qeybta Amniga ciidamada qaranka ee dowlada daba dhilifka Yemen,sidoo kale waxa uu mas,uul ka ahaa ciidamada ilaalada Xuduudaha Yemen.
Dhanka kale weerar dhabba gal ah ayaa loo dhigay kolanyo ka tirsan guutada Boqol iyo Shan iyo Tobanaad ee ciidamada daba dhilifka Yemen kuwaasi oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Lowdar ee gobalka Abyan oo dhaca Konfurta dalka Yemen.
Wararkii ugu dambeeyay ee Kamiinkaasi waxey sheegayaan in la gubay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay wateen kolanyada Kamiinka loogu dhigay duleedka deegaanka Lowdar.
Sidoo kale weerarkaasi dhabba galka ah waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro maleeshiyaat ah oo qeyb ka ahaa maleeshiyaatka daacada u ah Cabdi Rabbi Haadi Mansuur oo madax u ah maamulka dowlada Mareykanka ka dhisatay dalka Yemen.
Mas,uuliyadda Labadaan weerar ee ka kala dhacay magaalada Cadan iyo duleedka deegaanka Lowdar ee gobalka Abyan ee dalka Yemen waxaa sheegtay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab.
Calamada.com