Wararka laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in habeenkii xalay qarax uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmadaasi.
Qaraxa loo adeegsaday miinada waxaa lagu aasay gudaha guri uu degmada Jowhar ka deganyahay sarkaal ka tirsan maamulka Ridada ugu magacaaban gobalka Shabeelada dhexe,waxaana xilliga qaraxa guriga ku qayilayay xubno kala duwan oo ka tirsan maamulka gaala raaca Hirshabeelle.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Jowhar,waxeyna warar hoose sheegayaan iney jirto khasaara kala duwan oo xubnaha maamulkaasi qaraxa lagu gaarsiiyay.
Qaraxan waxa uu kusoo aadayaa xilli habeen hore qarax Bam oo ka dhacay gudaha degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe ay ku dhaawacmeen Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta.
Calamada.com