Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay Wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Sheekh Muxamed Abuu Cabdalle kaasi oo sheekha kaga hadlay duqeyn Habeeno ka hor diyaardaha Nasaarada Mareykanka ay ka geysteen deegaan ka tirsan Jubbooyinka.
Waaliga ayaa xusay in diyaaradaha iyo ciidamada dowlada Nasaarada Mareykanka si arxan daro ah ay u xasuuqeen Qoys ka koobnaay Todobo ruux oo ku dhaqnaay Tuulo lagu magacaabo Axmed Yare oo ah tuulo ku taala inta u dhaxeysa degmooyinka Jilib iyo Kamsuumo.
Ugu horeyntii Waaliga waxa uu uga tacziyeeyay ehelada iyo qaraabada qoyskii ciidamada iyo diyaaradaha Mareykanka ku xasuuqeen Tuulada Axmed Yare,waxaana uu intaasi ku daray in dhacdadaasi ay tahay mid naxdin leh.
Sheekh Abuu Cabdalle ayaa ku hanjabay in dowlada Nasaarada Mareykanka iyo maamulka gaala raaca Farmaajo laga aari doono xasuuqa ay ka geysteen tuuladaasi.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Jubbooyinka.
Calamada.com