Isbitaalka guud ee degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe waxaa ku quurbaxay mid ka mid ah xildhibaanada maamulka u adeega dowlada Xabashida Itoobiya ee isku magacaabay Hirshabelle.
Xildhibaanka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Aadam Mucalim Cali kaasi oo markaliya Naqaska ku dhagay waxaa loola cararay isbitaalka oo ugu dambeyntii ku dhex geeriyooday.
Warar hoose oo laga helayo gudaha degmada Jowhar waxey sheegayaan in la sumeeyay xildhibaanka sidaasna uu ku quurbaxay,xildhibaankan waxa uu Lix sano ka hor mar soo noqday gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban gobalka Hiiraan.
Calamada.com