War saxaafadeed ay soo saartay dowlada Canada ayaa lagu sheegay in ay heleen warar sheegaya in dagaallo ay ka socdaan wadooyinka u dhexeeya Harar iyo Dire-Dhawe iyo inta u dhexeysa Holeta iyo Ambo.
Ma aysan sheegin waxa ay salka ku hayaan dagaaladas balse bilooyinkii la soo dhaafay waxaa magaaloyinkaas ka jiray dagaallo u dhexeeya ciidamada itoobiya iyo mucaaradka
Harar iyo Dire-Dhawe waxay ku yaallaan bariga wadanka halka Ambo iyo Holeta ay ku yaallaan bartamaha dalka oo ah gobolka Oromiya oo aad ugu dhow magaalada caasimadda ah ee Adis ababa.
Dhanka kale qarax bam gacmeed ayaa lagu weeraray meel dad badan ay joogeen oo ku taalla magaalada JIMMA ee gobolka Oromiya,
Halkaas waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan Saddex iyo Toban ruux oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.
Qaraxan oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa ka dhacay meel loo yaqaano lagahar oo ka tirsan magaalada sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka.
Halkan Ka Dhageyso Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Dalka Itoobiya.
Calamada.com