Ciidamada dowlada Mareykanka ayaa xasuuq naxdin leh ka geysteen duleedka deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.
Ciidamada Nasaarada Mareykanka ayaa weerar ku qaaday beeraha deegaanka Bariire,waxeyna halkaasi ku xasuuqeen dad fara badan oo Beeraley ah.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Nasaarada Mareykanka waxey xasuuq ku dileen Kow iyo Toban ruux,waxeyna qafaasheen Toban ruux oo saddex ka mid ah iyagoo dhaawac ah ay wateen.
Wararka laga helayo Beeraha Bariire waxey sheegayaan in dadkaasi xasuuqa iyo qafaalka ay kula dhaqaaqeen ciidamada Mareykanka ay ahaayeen dad qaraabo ah oo hal beer ku wada sugnaay.
Xasuuqaan ayaa imaanaya xilli dhawaan diyaaradah iyo ciidamada dowlada Nasaarada Mareykanka qoys ka koobnaay Todobo ruux ay ku xasuuqeen deegaan dhaca wadada isku xirta degmooyinka Jilib iyo Kamsuumo ee gobalada Jubbooyinka.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha Xasuuqa Sh/hoose.
Calamada.com