Waxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe kasoo gaartay weerar culus oo saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanka Buulo gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo,iyadoona dagaalkaasi lagu daah furay camaliyad Istish haadiyo ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dhimashadu ka badan tahay 26 askari islamarkaana khasaaruhu sii badan karo sababa la xiririira qaraxyo kolonyo gurmad ah lagula beegsaday deegaannada Qaamqaam iyo Yoontooy.
Dadka deegaanka waxay xaqiijinayaan in labo gaari lagu gubay labo qarax oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaanada Buula Guduud iyo Yoontooy, weerarkan ay ciidamada Al Shabaab ku qaadeen saldhigga melleteri ee duleedka Kismaayo wuxuu imaanaya xilli diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka aysan hawada faaruqin oo dagaallada ay marmarka qaar si toos ah uga qeyb qaataan.
Dagaalkan saaka ka dhacay deegaanka Buulo gaduud ayaa ka mid noqonaya dhiig baxyadii ugu adkaa ee uu la kulmay maamulka gaala raaca Axmed Madoobe ee fadhiidka ku ah magaalada Kismaayo.
Calamada.com
alaahu akbar