Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Burundi oo ku socdaalayay duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee Rimuudka laga hago ayaa haleeshay gaari Taw ah oo qeyb ka ahaa gaadiidka ay wateen kolanyada Burundeyska ah.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu burburiyay gaari Taw ah laguna dilay(11)Kow iyo Toban askari oo Burundeys ah,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay degmada Mahaday iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Kolanyadan la qarxiyay ayaa maalmo ka hor kasoo baxay magaalada Muqdisho waxeyna sahay ciidan u geeyeen ciidamada Burundi ee ku sugan deegaanka Cali-fooldheere waxeyna xilliga la qarxinayay kasoo laabteen deegaanka Cali Fooldheere kuna sii jeeday degamda Mahadaay.
Maalintii shalay ayeey aheed markii qarax ka dhacay deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay lagu dilay hal askari oo Burundeys ah laguna dhaawacay tiro kale oo isla ciidamada Burundi.
Calamada.com