Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in camaliyad Istish-haadi ah lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne, Iyadoona halkaas uu ka dhashay qasaare culus.
Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in ugu yaraan 6 ruux lagu dilay, ku dhawaad 20 kalena lagu dhaawacay camaliyad Istish-haadi ah oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan murtadiinta.
Camaliyadda ayaa ka dhacday goob ay fariistaan Saraakiisha iyo shaqaalaha maamulka oo ku taalla Albaabka hore ee xarunta gobolka sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay in ciidamo ka tirsan murtadiinta Djibouti ay ka mid ahaayeen dadka lagu dilay camaliyada.
Ilo wareedyadu waxay sidoo kale noo sheegeen in dadka dhaawacmay ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka iyo Saraakiil ka tirsan maleeshiyaatka murtadiinta.
Saraakiisha lagu dhaawacay howlgalkaas waxaa ka mid ah:
1- Garaad Cameey, Taliyaha saadka Police-ka
2-C/llaahi Kacaan, Madax maaliyadda gobolka Hiiraan
3-Dhaqane Camoor, Taliyaha Maleeshiyaatka murtadiinta ee Kala-beyrka
4-Sede Maxamuud Xalane, sarkaal ka tirsan maaliyadda gobolka.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah u beegsanayey Saraakiisha iyo shaqaalaha maamulka gobolka Hiiraan, Waxayna sheegeen in uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah weerarada joogtada ah ee Mujaahidiintu ku ugaarsadaan maamulada murtadiinta ee dabadhilifka u ah gaalada ku soo duushay dalkan Muslimka ah ee Soomaaliya.