Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabba gal ah oo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada loogu dhigay duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kamiin u dhigay gaari Cabdi bile ah oo uu lasocday madaxa Saadka ciidamada qeybta Labo iyo Tobanka Abriil ee dowlada Ridada ninka lagu magacaabo Korneel Fanaxeey kaasi oo warar hoose sheegayaan inuu dhaawacmay.
Gaarigan sarkaalka la socday ee kamiinka loo dhigay ayaa baxay degmada Balcad waxaana uu ku sii jeeday dhanka degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.
Weerarka dhabba galka ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay halka loo yaqaano Golole Daa,uud oo ah deegaan u dhaxeeya degmada Balcad iyo deegaanka Qalimow ee gobalka Shabeelada dhexe.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in kamiinka lagu burburiyay gaariga Cabdi Bilaha kaasi oo rogmaday laguna dilay Afar askari,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen tiro hub ah oo isugu jirtaa Aakayaal,Biskoolado,qoriga nooca loo yaqaano PKM-ka iyo qalab isgaarsiineed oo ay wateen maleeshiyaatka dowlada ee kamiinka loo dhigay.
Dhowr jeer wadada isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe waxaa weeraro dhabba gal ah loogu dhigay kolanyo isugu jirta ciidamada Kufaarta Burundi iyo kuwa Murtadiinta.
Calamada.com