Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerarkii sida ba,an loogu xasuuqay maleeshiyaatka Murtadiinta ee maalintii shalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen degmada Beled-xaawo ee gobalka Gedo.
Inka badan Soddon askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa lagu dilay dagaalkaasi tiro intaa ka badane weey ku dhaawacmeen.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay magacyada Labo sarkaal oo ka mid ah saraakiishii dowlada Farmaajo dhimashada iyo dhaawaca kaga noqotay dagaalka Beledxaawo.
Labadan sarkaal oo isugu jira mid dhintay iyo mid dhaawac ah ayaa lagu kala magacaabaa.
1-Rashiid Buhul oo ah Taliye ku xineenka dowlada Ridada ee degmooyinka Luuq,Doolow iyo Beledxaawo waxaa la xaqiijiyay in sarkaalkan uu soo gaaray dhaawac culus.
2-Juun Cakaaro waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee dowlada Ridada ugu magacaaban gobalka Gedo waxa uu inta badan booqasha ku tagi jiray xeryaha ciidamada ee goobaha shisheeyaha iyo maamulka Farmaajo kaga suganyihiin gobalka Gedo waxaana la xaqiijiyay in sarkaalkan u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaalka Beledxaawo.
Dhanka kale Maleeshiyaatka dowlada ee ku sugan degmada Beledxaawo ayaa maanta raaf xoogan ka sameeyay degmadaasi iyagoona xabsiga dhigay boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ee ku sugan degmada Beledxaawo ayaa muujinaya cabsi xoogan oo ay ka qabaan in markale weeraro culus kaga yimaadaan dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Calamada.com
allahu akbar walillahilxamdu walmina aad ayan ugudirsanaya jabka cadowga iyo gusha musliminta mujahidintana waxanleyahay kusi wada gumaadka gule ayadgarabsaneysane