Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Wazaarada Shaqada ee dowlada Ridada Farmaajo.
Dilka oo sigaar ah kaga dhacay agagaarka xarunta Bisha Cas ee degmada Hodan waxaa loo geystay Aadam Muxamed Nuur oo ka mid ahaa mas,uuliyiinta Wazaarada Shaqada iyo Shaqaalaha.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dilka sarkaalkan ay fuliyeen ciidamada gaarka Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgalo gudaha magaalada Muqdisho.
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli 48-dii saac ee lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay tiro saraakiil iyo askar ah oo ka tirsan dowlada Farmaajo.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.