Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada Farmaajo.
Sarkaalkan lagu dilay degmada Wadajir oo lagu magacaabo Jeeri Maxaa ayeey ragga hubeysan madaxa ka toogteen taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku dhinta.
Sidoo kale Ragga hubeysan waxey dileen mid ka mid ah ilaaladii gaarka ee sarkaalkan ooay wada socdeen,meydka sarkaalka iyo askariga istaafka ah ayaa muddo yaalay goobtii lagu dilay.
Dilkan waxa uu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay Aadam Muxamed Nuur oo ka mid ahaa mas,uuliyiinta Wazaarada Shaqada iyo Shaqaalaha maamulka Farmaajo.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.