Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen mid ka mid ah deegaanada ciidamada Kufaarta Burundi duulaanka kaga suganyihiin gobalka Shabeelada dhexe.
Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Buurane oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe,iyadoona dagaalkan labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gudaha usoo galeen deegaanka,waxaa dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Buurane,waxa uu dagaalkan kusoo aadayaa xilli dhowr maalmood ka hor weeraro ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ciidamada Burundi looga dilay askar fara badan.
Calamada.com