Dhaq dhaqaaqa Xammaas ee ka jira dhulalka Filasdiin ayaa ku dhawaaqay in isbedel dhanka maamulka iyo siyaasadda ah uu ka dhaqan gelin doono marinka Gaza kadib 10 sanadood oo maamul xamaas taabacsan uu ka jiray magaaladaas iyo hareeraheeda.
Bayaan kasoo baxay Xarakada Xamaas ee ka talisa jiidda Gaza ayay ku shaacisay iney kala dirty maamulka iyada hoostaga ee ka arimiya magaalad Jiidda Gaza.
Xamaas ayaa sheegtay iney iyadoo qaadaneysa baaq ka soo baxay dowladda Masar ee ahaa in wadahadal Xamaas ay la gasho Xarakada Fatax ay go’aansatay tallaabada ah in la kala diro maamulkii Gaza.
Dowladda heshiiska qaran loogu yeeray ee uu Ra’iisul wasaaaraha ka yahay Raami Alxmadulillaah ayaa loogu baaqay iney timaado magaalada Gaza, lana wareegto maamulka.
Dhanka Fatax war kasoo baxay waxay ku sheegtay in ay soo dhaweyneyso tallaabadan ay qaadatay Xamaas.
Ururka Xamaas ayaa bishii June ee 2017 soo saaray Document cusub oo uu uga tanaasulayo mabaadii’dii islaamiga ee uu aaminsanaa, Iyadoona ururka uu Document-gaas ku sheegay in uu ogolyahay dowlad ka babar dhalata Yahuudda taas oo aas-aaskeeda ama gundhigeedu yahay dib usoo celinta dhulkii yahuuddu qabsatay sanaddii 1967-dii.
Sidoo kale kooxda ayaa hoos udhigtay diidmadeedii Yahuudda, waxayna ogoshahay in dowlad ay leeyihiin dadka Yahuudda ay ka taagnaato magaalooyin ka baxsan Qudus iyo Al-Khaliil.
Tallaabadan ayaa loo arkaa tanaasul dhan walba ah oo ay ku dhaqaaqday Xamaas oo sanadadii la soo dhaafay dagaal kula jirtay ciidamada Yahuudda sahyuuniyadda, waa markii ugu horraysay oo maamulka Maxamuud Cabaas abuu Maazin uu awoodiisa ku fidinayo magaalada Gaza tan iyo sanaddii 2007 xilligaas oo dagaallo culus ay magaalada ku dhaxmareen tageerayaasha fatax iyo xammaas.