Qarax culus ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Boodheere ee magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsaday sarkaal ka tirsan dowlada Ridada gaar ahaan qeybta Nabadsugida ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Sarkaalkan oo la xaqiijiyay inuu qaraxa ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Abuu Shiino waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafado ka tirsan maagalada Muqdisho sida degmooyinka Shibis iyo Boondheere.
Mas,uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,iyadoona qaraxan uu lagu dilay sarkaalka kusoo aadayo xilli galinkii dambe ee shalay xaafada Taleex ee degmada Hodan lagu dilay Cabdi Kuus oo ka mid ahaa gudoomiye Waaxeedyada maamulka Farmaajo ee degmada Hodan.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.