Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in gabi ahaan saaka degmadaasi isaga carareen ciidamada Kufaarta Kenya oo qeyb ka ahaa shisheeyaha duulaanka ku joogay degmadaasi.
Ciidamada Kenya oo labadii maalin dhaqdhaqaaqyo bixitaan ah ka waday degmada Baardheere ayaa gabi ahaan saaka isaga cararay degmada waxena ku bixeen wadada marta deegaanada Tarako iyo Fafaxdhuun oo ah wado gasha degmada Ceelwaaq.
Askarta Kenya ayaa burburiyay dabna qabadsiiyay difaacyadii iyo saldhigii ay Labo Sano ka hor ka sameysteen dhanka Galbeed ee degmada Baardheere,iyadoona la xaqiijiyay in maleeshiyaat fara badan oo uu horkacayo Korneel Cabaas Gureey horay usii raaceen ciidamada Nasaarada Kenya ee ka baxay degmada Baardheere.
Hadda waxaa degmada Baardheere ku sugan oo ku haray ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo Labo Sano ka hor duulaan ku qabsaday degmada kuwaasi oo Saldhigyyo iyo difaacyo ku leh dhanka Bari ee magaalada Baardheere.
Calamada.com
alaah mahadi usug naatay kadul qaaday wasaqdooda iyo cudur kooda mslmiinta
الله اكبر الحمدالله الدى خرج صليبيين فى ناحية بارظيروغيرها