Roobab siweyn loogu diirsaday ayaa ka da,ay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe waxaa roobabkaasi si weyn ugu diirsaday dadka iyo duunyada.
Gobalka Shabeelada dhexe waxaa ka mid ah goobaha Roobabku ka da een degmooyinka Aadan Yabaal,Mahadaay iyo deegaano ay ka mid yihiin Ceelbaraf iyo Ceeldheer Buraale.
Dhanka gobalka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya goobaha Roobka xilliga Deyrta uu ka da,ay waxaa ka mid ah degmooyinka dhaca dhanka Galbeed ee gobalka Hiiraan sida degmada Jalalaqsi iyo deegaanka Shaw iyo tuulooyin badan oo hoostaga.
Sidoo kale dhanka Bari ee gobalka Hiiraan ayeey roobabku ka curteen waxaana ka mid ah degmada Beledweyne iyo deeganada Tardo iyo Luuq Jeelow oo siweyn Roobabku loogu diirsaday.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Roobabka.
Calamada.com