Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in galinkii dambe ee shalay dagaal culus uu ka qarxay degmado istiraatiiji ah oo ka tirsan gobalka Faryab ee Waqooyga Afghanistan kaasi oo socday inka badan Labo iyo Toban saac oo xiriir ah.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar culus ku qaaday degmada Bandar Kohistan halkaasi oo fariisimo iyo saldhigyo ay ku lahaayeen maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Ashraf Gani ee fadhigiisu yahay magaalada Kaabul.
Dagaalka Markii muddo ka badan Labo iyo Toban Saac oo xiriir ah uu socday ayaa la xaqiijiyay in maleeshiyaatka maamulka Kaabul gabi ahaan ay isaga carareen degmada waxaana jiro meydadka tiro askar ah oo ay kaga carareen gudaha iyo duleedka magaaladaasi.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan laguna baahiyay Webseydka Imaarada ayaa lagu xaqiijiyay dagaal muddo socday kadib ciidamada Mujaahidiin ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Bandar Kohistan.
Sidoo kale ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa gacanta ku dhigay Hub,gaadiid iyo agabyo kale oo ah kuwa ciidan oo maleeshiyaatka Ashraf Gani kaga carareen saldhiga iyo xarunta maamulka ee degmadaasi.
Raayada Towxiidka ayaa laga taagay saldhiga,xarunta maamulka degmada iyo Kontaroolada laga soo gala magaalada Bandar Kohistan oo ah magaalo Istiraatiiji ah oo dhacda Waqooyga Afghanistan.
Calamada.com