Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ku dhaxmarayo ciidamo isugu Jira Mareykan iyo Kenyaan oo isku dhinac ah iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay in gaari Taaw ah oo ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada huwanta ee Nasaarada Mareykanka iyo kuwa Kenya lagu gubay dagaalka kadib markii ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay gaariga la heleen mid kamida gantaallada garbaha laga rido.
Kolanyada Nasaarada Mareykanka iyo kuwa Kenya ee Kamiinka loogu dhigay duleedka deegaanka Buulo Gadud waxey saaka kasoo amba baxeen Jaamacadda magaalada Kismaayo oo ay saldhig ku leeyihiin.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Calamada.com