Weerar dhabba gal ah ayaa loo dhigay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Maamulka Ashahaado la dirirka Puntalnad xilli ay ku socdaalayeen wadada isku xirta deegaanada Galgala iyo Sugurre oo ah deegaano wada dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Weerarka oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lala beegsaday ciidamo watay gaari nuuca dagaalka oo ka amba baxay deegaanka Galgala kuna sii jeeday dhanka magaalada Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi dhabba galka ah waxaa lagu dilay Afar askari halka Shan kalane lagu dhaawacay oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland.
Warar hoose waxey sheegayaan in xubnaha maamulka Puntland looga dilay Kamiinka uu kamid yahay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka “Puntland’ kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Abshir Dheere oo ka mid ahaa saraakiisha hoggaaminaysa maleeshiyaatka ka Puntland ee ka howlgala aagga Galgala.