Maleeshiyaat ka tirsan dowlada Farmaajo gaar ahaan qeybta Taraafikada waxey qeybo ka mid ah wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho ku dileen qof shacab ah.
Qofka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Ismaaciil oo ku magac dheeraa Gambarle darawalne ka ahaa gaari nooca raaxada ayeey maleeshiyaatka Murtadiinta weydiisteen inuu bixiyo lacago baad ah.
Gambarle ayaa ka dhaga adeegay bixinta lacagtaasi baada ah taasi oo sababtay in askari ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta rasaas ooda uga qaado qofkaasi shacabka ah waxeyna rasaasta sababtay in darawalkaasi miskiinka ah isla goobta ku geeriyooda.
Dilkan maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ay u geysteen qofka shacabka darawalka ah waxey kusoo aadeysaa xilli Labo maalin ka hor gaadiidka Kufaarta Afrikaanta si bareer ah qof shacab ah ugu jiireen duleedka magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.