Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo weerar naf hurnimo ah oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Mareykanka oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan magaalada Kaabul ee xarunta dalka Afghanistan.
Weerarkan Naf hurnimada ah oo mas,uuliyaddiisa ay sheegatay Imaarada Islaamiga Afghanistan waxaa fuliyay Mujaahid lagu magacaabo Dhaahaa oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobalka Gazni ee Galbeedka Afghanistan.
Qoraal kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayeey ku xaqiijisay in Camaliyaddaasi Istish-haadiyada ah dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan Lix iyo Toban askari American ah sidoo kale waxaa lagu burburiyay Saddex gaari noocyada gaashaaman ah oo ay wateen kolanyada American-ka ee la beegsaday.
Weerarkan Naf hurnimada ah ee lagu dilay askarta American-ka waxey kusoo aadeysaa xilli bishii dhamaatay Dul Xijjah gudaha Afghanistan lagu dilay inka badan Soddon iyo Labo askari American ah laguna dhaawacay Labo iyo Toban kale.
Halkan Ka Dhageyso Xogta Laga Helay Weerarka Kaabul.
Calamada.com