Ciidamada Gaarka Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab ee ka jihaada gudaha magaalada Muqdisho waxey habeenkii xalay howlgala guuleystay ka fuliyeen gudaha Banaadir kuwaasi oo lala beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta.
Howlgalka Kowaad waxey ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen gudaha degmada Waabari iyagoona howlgalkaasi ku khaarijiyay sarkaal sare oo ka tirsnaay Murtadiinta.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa madaxa ka toogtay C/llaahi Qururx oo mar soo noqday taliye ku xigeenkii dhanka Zaadka ee maleeshiyaatka Kooxda Ridada waxeyna Toogashadaasi Allaah Fadligiisa sababtay in sarkaalka isla goobta ku dhinta.
Sidoo kale waxey ciidamada Mujaahidiinta isla goobta ku dileen askari is taaf u ahaa sarkaalkaasi waxeyna Qaniimeysteen oo horay usii qaateen Biskoolad uu ku hubeysnaay saraalka ay dileen.
Dhanka kale Weeraro Bambaano ayaa lagu qaaday maleeshiyaat ka wada tirsan Muratdiinta oo ku kala sugnaay xaafadaha Ansalooti ee degmada Waabir iyo Siisii ee degmada Yaaqshiid .
Bamka xaafada Ansalooti waxaa lagu weeraray maleeshiyaatka Murtadiinta qeybta Booliska waxeyna Bamka bartamaha gashay maleeshiyaatkaasi oo xilligaasi goob ku qayilayay waxeyna sababtay khasaara Baqti iyo dhaawac ah oo soo wajahaday Muratdiinta la weeraray.
Dhanka Xaafada Siisii ee degamada Yaaqshiiid waxaa Bam gacmeed lagu weeraray maleeshiyaatka Ridada qeybta Milatariga kuwaasi oo xilliga weerarka la socday gaari Cabdi Bile ah.
Xogta aynu ka helnay weerarkaasi Bam ayaa xaqiijinaya iney ku dhaawacmeen Saddex askari oo Murtadiinta ah.
Waxeyna howlgaladan xalay ka dhacay Muqdisho muujinayaan in ciidamada Mujaahidiinta ay sii labo laabeen weerarada lagu ciribtirayo Cadowga Allaah ee ay ka fulinayaan gudaha Muqdisho dhanka kalane waxey weeraradaasi muujinayaan in Kufaarta iyo Murtadiinta ay ku fashilmeen ka hortagida weerarada Barakeysan ee Mujaahidiinta ay ka fulinayaan gudaha Muqdisho.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Weerarada Muqdisho.
FG-xuquuqda Qoraalka Iyo Maqalka Warbixinta Waxaa Iska Leh Idaacada Islaamiga Andalus.