Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi ay kuwa dagaalameen maleeshiyaat ka wada tirsan Murtadiinta.
Maleeshiyaatka dagaalamay ayaa ku murmay qeybsiga Lacago baad ah oo ay kasoo aruuriyeen suuqa ugu weyn magaalada Jowhar gaar ahaan qeybta qudaarta ee suuqaasi.
Dad shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday iska hor,imaadka maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Hirshabeelle ku dhexmaray gudaha degmadaaasi.
Inta la xaqiijiyay hal ruux oo ganacsado ah kana ganacsanayay Qudaarta ayaa ku dhintay labo ruux kalane weey ku dhaawacmeen,lamana xaqiijin tirada askarta maleeshiyaatka Ridada isaga dileen isagana dhaawaceen iska hor imaadkaasi.
Calamada.com