Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah magaaladaasi qarax lagula beegsaday maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.
Qaraxa oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta oo ku sugnaay goob isbaaro ah dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay xaafadaha magaalada Baydhabo.
Wararka laga helayo degmadaasi waxey sheegayaan in tiro ka tirsan maleeshiyaatka maamulka kabo qaadka u ah Amxaarada ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxaasi.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay askari ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Farmaajo lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Calamada.com