Waxaa sii xoogeystay dagaal culus oo saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay kula jarmaadeen deegaanka Bariire oo ah deegaan qiyaastii 60-km u jira magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo deegaanka waxey xaqiijinayaan in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gudaha u galeen deegaanka iyagoona dhowr jiha ka wareeray saldhiga ugu weyn maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen deegaankaasi.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayaa qeybo badan oo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose,iyadoona la arkayo Holac iyo Uura Madow oo ka baxeysa saldhigyada iyo difaacyada maleeshiyaatk dowlada ee deegaankaasi.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Calamada.com