Inka badan Konton qof American ah ayaa dhimatay inka badan Labo Boqol kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib toogasho ka dhacday magaalada Las Vegas oo kamid ah magaalooyinka ugu ganacsiga badan wadanka Mareykanka.
Booliska Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ruux hubeysan uu weerar ku qaaday dhisme xilligaas ay ka socotay xaflad muusik ah ayna ku sugnaayeen ku dhawaad 30-kun oo qof, rasaas xooggan ayaa laga maqlay dabaqa 32-aad ee Hotelka Mandalay Bay oo ah halka dadka badan lagu laayay.
Qof Goob jooge ah ayaa sheegay in uu arkay Meydadka 20 qof oo hoolka shirarka Hoteelka Daadsan iyo dad dhaawacyo ah oo ku qeylinayay Nabad Badaadiya..Nabadbaadiya, kumanaan katirsan ciidamada SWAT-ka loo yaqaan ayaa isku gedaamayay dhismaha toogashadu ka socoto.
Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay muuqaal muujinayay rasaas ku dhacaysa dadkii ku sugnaa xafladda waxaana dhaawacyada toogashada Las Vegas lagu qiyaasay inka badan Labo boqol qof oo qaarkood xaaladda caafimaad ay aad uliidato.
Saraakiisha Booliska ayaa saadaalinaya in dhimashadu kor u dhaaftay 30 qof, illaa iyo hadda lama helin heybta ruuxa toogashadan geystay balse Al-qaacidada Yemen ayaa filim ay soo saartay sanaddii 2014 waxay taageerayaasha Mujaahidiinta ugu baaqaysay in weeraro hor leh ku qaadaan magaalooyinka Mareykanka iyo muwaadiniintiisa.
Toogashooyin dhowr ah oo sanad walba ka dhaca gudaha wadanka Mareykanka ayaa gallaafta nolosha boqolaal qof, Hoggaamiyihii Hore ee aqalka Cad Brack Obama ayaa ku fashilmay xadeynta Hubka gacanta ugu jira dadka Mareykanka arrinkaas ayaana la rumeysanyahay in uu gacan siinayo shakhsiyaadka weerarada geysta.