Barqo nimadii maanta waxaa qeybo ka mid ah qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho lagu aasay sarkaal sare oo ahaa Gaashaanlle sare oo ka tirsan dowlada Ridada.
Gaashaanllahan oo habeenkii xalay Rag hubeysan ay ku dileen xaafada Siliga Ameican-ka ee degmada Wadajir waxaa lagu magacaabaa Muxamed Cali Mursal oo ku magacdheer Muxamed Yare.
Aaska sarkaalkan waxaa kasoo qeyb galay saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsn dowlada Farmaajo kuwaasi oo si aad ah uga murugeysanaay sarkaalka laga dilay.
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay weerar Bam ah lagu qaaday isbaarada dowlada ee isgoyska Ex-control Afgooye ee degmada Hodan waxeyna bamka sababtay khasaara nafeet oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.