Degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada hoose waxaa soo weeraray Xayawaanka nooca loo yaqaana Shabeelka oo ka mid ah xayawaanada dilaaga ah ee beegsaday dadka iyo xoolaha.
Xaafada Caanoole ee degmada Wallanweyn ayaa markaliya lagu arkay Shabeel weerar ah kaasi oo cabsi iyo qalqal xoogan ku abuuray dadka ku dhaqan degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay Shabeelkan waxa uu dhaawacay Todobo ruux oo isugu jirta Caruur iyo dad waaweyn kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaatka,iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la dilo Shabeelka soo weeraray degmada Wallanweyn.
Dhowr jeer degmooyin iyo deegaano dhaca Konfurta Somaliya waxaa sidaan oo kale usoo weeraray qaar ka mid ah Xayawaanada dilaaga ah gaar ahaan nooca loo yaqaano Libaaxa.
Calamada.com