Rag hubeysan waxey ku dileen qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho askari ka tirsan dowlada Ridada.
Dilka askarigan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka isgoyska Soos ee degmada Hurwaa,waxeyna ragga hubeysan askarigan ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Askariga la dilay ayaa kasoo baxay Dhismaha Warshadii hore Barfuunka oo fariisin u ah maleeshiyaatka maamulka Farmaajo,waxeyna goob joogayaal xaqiijiyeen in ragga dilka geystay ay horay usii qaateen qorigii uu ku hubeysanaay askariga ay dileen.
Dhanka kale weerar loo adeegsaday Bamka gacanta laga tuura ayaa lagu qaaday maleeshiyaat ka tirsan kuwa Xasilinta Caasimadda oo ku sugan dhismaha Jaamacadii hore Ummadda ee degmada Wadajir.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxaasi Bam lagu dhaawacay Saddex askari oo ka tirsan kuwa xasilinta dowlada Ridada waxaana suura gal ah in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.