Qaraxyadan oo loo adeegsaday Bambaanooyinka noocyada gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada oo ku kala sugnaay degmooyinka Hodan iyo Kaaraan.
Qaraxa Kowaad waxa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee degmada Hodan waxaa Bamkan lala beegsaday maleeshiyaat goob ku sugnaay,waxeyna ilo wareedyo xuseen in tiro askar ah dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxaan Bam.
Qaraxa Labaad oo isagana loo adeegsaday Bam Gacmeed waxaa lagu weeraray Saldhiga degmada Kaaraan waxa uu Bamka gudaha u galay saldhiga kaasi oo sababay khasaara Nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay maleeshiyaatkii ku sugnaay gudaha saldhiga.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro xiriir ah oo ay fuliyeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin qaar ka mid ah weeraradaasi waxaa lagu dilay saraakiil ka tirsanaay dowlada Ridada Farmaajo.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.