Saacadihii lasoo dhafaay waxaa isbitaal ku yaala gudaha magaaalda caasimadda u ah dalka Tuunis ku geeriyooday mid ka mid ah waziirada xukuumada daba dhilifka ee dalkaasi.
Waziirka dhintay oo ah waziirkii Caafimaatka xukuumada Tuunis ayaa la xaqiijiyay in dhimashidiisa ay timid kadib markii si kadis ah Wadnaha looga qabtay waxaana loola cararay goobaha caafimaatka oo ugu dambeyntii uu ku dhex geeriyooday.
Waziirkan oo lagu magacaabi jiray Saliim Shaakir da,diisuana ay aheed 59 jir ayaa xilligii Wadnaha laga qabanayay waxa uu ka qeyb galayay Munaasabad Tartan aheed oo ka dhacday magaalada Nabeul oo dhacda Waqooyga dalka Tuunis.
Dowlada Tuunis ayaa ah dowlada daba dhilif ah oo caan ku ah la dagaalanka diinta Islaamka waxey Todobaadyo ka hor dowladan shaacisay oo ay soo saartay qodob ah in haweenka Muslimaatka dalkaasi ay guursankaraan nimanka gaalada ah taasi oo ah mid ay mamnuucday Shareecada Islaamka.
Calamada.com