Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ay ka sameysteen duleedka magaalada Boosaaso.
Saldhigan la weeraray waxa uu sidoo kale ahaa Bar Kontarool,waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka markii muddo kooban socday ayeey maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland bilaabeen iney isaga cararaan saldhiga waxaana gacan ku heynta saldhiga la wareegay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Intii dagaalka uu socday waxa magalaada Boosaaso kasoo baxay gaari ciidan oo ay la socdeen maleeshiyaatka Puntland kuwaasi oo gurmad u ahaa maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka ee lagu weeraray saldhiga ku yaala duleedka magaalada Boosaaso.
Gaariga ay la socdeen maleeshiyaatka Gurmadka ah ayaa inta uusan soo gaarin saldhiga waxaa weerar dhabba gal ah u dhigay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Maleeshiyaatkii la socday gaarigaasi oo si lama filaan ah ula kulmay rasaas kaga imaaneysa dhowr jiha ayaa gaariga iska wada tuuray waxaa jirta tiro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay askarta Puntland ee kamiinka loo dhigay.
Darawalkii ka xeynayay gaariga ciidan oo kaligiis kusoo haray gudaha gaariga ayaa goobta kala cararay gaariga waxaana uu gaaray magaalada Boosaaso iyadoo aysan jirin wax maleeshiyaatka Puntland ah oo la soo laabtay gaariga marka laga reebo darawalka gaariga ka xeynayay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka ka dhacay saldhiga iyo Kamiinka loo dhigay gaarigii ay lasocdeen maleeshiyaatka gurmadka ahaa lagu dilay Todobo askari lagulana dhaawacay Kow iyo Toban askari oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka Puntland kuwaasi oo badankoodu ah maleeshiyaatka Weerarka dhabba galka ah loo dhigay.
Dagaalkan xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay kula wareegeen gacan ku heynta saldhiga duleedka magaalada Boosaaso waxa uu kusoo aadayaa xilli dhowr Bilood ka hor dagaal ka dhacay deegaanka Af-urur ee duleedka Boosaaso lagu dilay inka badan Lixdan askari oo ah maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Puntland.
Calamada.com