Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraray sarkaal ka tirsan dowlada Ridada,iyadoona xog dheeraad ah oo laga helayo weerarka sarkaalka.
Cabdullaahi Israa’iil oo kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda federaalka ayaa la beegsaday isagoo maraya degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Ciidamo katirsan kuwa qarsoon ee ka howlgala magaalada Muqdisho kana tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarkan fuliyay, waxaana dhaawac uu soo gaaray masuulka la weeraray ee Cabdullaahi Israa’iil.
Howlgallada gaarka ah ee lagu beegsanayo mas’uuliyiinta dowladda ayaana joogta ka ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Weerarkaasi.
Calamada.com