Rag hubeysan waxey agagaarka deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen mid ka mid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada dowlada Ridada.
Odaygan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Nuunow kana mid ahaa odayaasha wax kasoo xulay Xildhibaanada lagu soo doortay degmada Baydhabo ee gobalka Baay waxey ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta ee howlgalka dilka fuliyay ay horay usii qaateen gaari nooca raaxada ah uu lahaa odaygan wax kasoo xulay xildhibaanada dowlada Farmaajo.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si xiriir ah u beegsada odayaal ku sheegii soo xulay xildhibaanada golaha dawaagiida dowlada Ridada,iyadoona dhowr xubnood oo odayaashaasi ka mid ah lagu dilay qeybo ka mid ah Konfurta Dalka Somalia.
Calamada.com