Maxkamada Wilaayada Islaamiga Ah ee Hiiraan ee bartamaha Dalka Somalia waxey fagaara ku yaala magaalada Buq,aqable ka fulisay Xad Qisaas ah oo ka mid ah Xuduuda Allaah.
Guhaad Cilmi Cali Oo 25 Jir Ah Ayaa Xukunka qisaasta Ah Lagu Fuliyey Kadib Markii uu si bareer ah u dilay Wiil Lagu Magacaabi Jirey Barre Ibrahim Axmed Oo 19 sana Jir Ahaa.
Aabaha dhalay Wiilka Horey loo dilay Oo Layiraahdo Ibraahim Gadafey Ayaa Gacantiisa Ku diley Guhaad Cilmi Cali isagoo madaxa uga dhuftay Sedax Xabadood, maxkamadda ayaa aabaha wax qisaasanayay u ogolaatay in sedax Xabadood uu ku dili karo gacan ku dhiiglaha, Sida Shareecada islamku ay qabto madaama Ninka la qisaasay uu horay sedax baalooto ugu dilay Barre Ibraahim.
Ibraahim Gadafey Ayaa Horay Loogu Soo Bandhigay in uu Diyo qaato Ama Uu Iska Cafiyo Ama Uu qisaasto Hayeeshee Wuxuu qaatey go’aanka Ah in Uu qisaasto.
Ugu Horreyn Waxaa Fagaaraha Boqolaalkii Dadweyne Ee Isugu yimid Faa’iidada Ey Leedahay Fulinta Xuduud Alle Uga Hadlay Sheekh Yuusuf Macalin Cabdi Raxmaan Oo kamid ah culimada soomaaliyeed wuxuuna ku baaqay in la taageero maamullada islaamiga ah ee dib usoo celiyay nabadda iyo ammaanka.
Intaasi Kadib Qaalliga Guud Ee Wilaayada islaamiga Hiiraan Ayaa Dadka U Bidhaamiyay Qaabka Dilkii Hore U Dhacay Sida Ehellada Wiilkaas Ugu Qanceen in Loo Qisaaso Guhaad Cilmi iyo Adillada Garsoorka Wilaayada Uu Cuskadey xukunkan.
Halkan Ka Dhageyso Xadka Qisaasta Ah.
Calamada.com