Qarax loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada,iyadoona warar hordhac ah laga helayo qaraxa.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaatka dowlada oo ku taala xaafada Daallo ee degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Hodan waxa uu Bamka bartamaha ka galay maleeshiyaatkii goobta ku qayilayay.
Warar hoose waxey sheegayaan iney jirto khasaara nafeet oo maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay qaraxa Bam, waxa uu weerarkaan Bam ee ka dhacay degmada Hodan kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay iscasileen Waziirkii Gaashaandhiga iyo taliyihii maleeshiyaatka Xooga ee maamulka Farmaajo kadib markii ay ku fashilmeen iney ka hortagaan weerarada Shabaabul Mujaahidiin.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.