Wararka laga helayo deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose waxey xaqiijinayaan in gabi ahaan deegaankaasi ay isaga carareen maleeshyaatka dowlada Ridada ee ay tababartay dowlada Nasaarada Mareykanka kuwaasi oo muddooyinkii dambe ku sugnaay deegaankaasi.
Xalay saqdii dhexe ayey gabi ahaan maleeshiyaatka Murtadiinta isaga carareen deegaanka waxeyna maleeshiyaatka dowlada abaareen dhanka degmada Afgooye ilaa iyo magaaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa saaka ku waabariista difaacyadii iyo saldhigii maleeshiyaatka dowlada Ridada oo haawanayo waxeyna ka bixitaanka Murtadiinta ee deegaanka Bariire kusoo aadeysa xilli dhowr todobaad ka hor deegaanka Bariire uu ka dhacay weerar culus oo ay qaadeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kaasi oo lagu dilay inka badan 93 askari oo ah maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Calamada.com
waxa liyaableh in marwalba lagasoonoqnodo bariire ma,aha mid hormarlataabankaro wayo dowladu awuudedu wayyertahay