Iyadoo xalay saqdii dhexe deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye ay isaga carareen maleeshiyaatka dowlada Ridada gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ay u tababartay dowlada Nasaarada Mareykanka waxaa soo baxayo faahfaahino laga helayo deegaankaasi.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in deegaankaasi ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dhowr jiha ka galay deegaankaasi Istiraatiijiga ah.
Dadka deegaanka oo faraxsan ayaa isugu soo baxay wadooyinka deegaanka waxeyna soo dhaweeyeen ciidamada Xarkada Shabaabul Mujaahidiin ee la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi.
Deegaanka Bariire oo waa deegaan istiraatiiji ah waxa uu qiyaastii (52)KM dhanka Konfur Galbeed kaga beeganyahay magaalada Muqdisho,deegaankaan waxaa Shan iyo Toban Maalin ka hor ka dhacay dagaal qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ku dileen ku dhawaad Boqol askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta qeybta ay tababartay dowlada Nasaarada Mareykanka.
Calamada.com