Iyadoo saaka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobalka Shabeelada hoose waxaa soo baxayo warar dheeraad ah oo laga helayo xaalada deegaankaasi.
Wariyaal ka tirsan Idaacada Islaamiga Andalus ayaa gudaha u galay deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye,waxeyna Wariyaasha indha indheyn ku sameeyeen saldhigyadii maleeshiyaatka Murtadiinta Bangarafta ee Mareykanku tababaray kal hore ay ka sameysteen deegaankaasi.
Wariyaasha Andalus ayaa xusay iney arkeen agabyo kala duwan maleeshiyaatka dowlada ay uga carareen deegaanka waxeyna intaasi ku dareen in beeraha deegaankaasi lagu arkay meydad hor leh oo qeyb ka ahaa askartii dowlada Ridada looga laayay weerarkii Lix iyo Taban Maalin ka hor ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen deegaankaasi.
Halkan Ka Dhageyso Xogta Andalus Ee Deegaanka Bariire.
Calamada.com