Iyadoo Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose waxaa arintaasi ka hadlay dadka deegaanka.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay Wareysiyo ay la yeelatay dadka deegaanka,waxeyna reer Bariire sheegeen iney si aad ah ugu faraxsanyihiin in Raayada Towxiidka markale laga taago deegaankaasi,iyagoona si weyn usoo dhaweeyay ciidamada Mujaahidiinta ee la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay ku qabeen maleeshiyaatka dowlada Ridada mudadii ay ku sugnaayeen deegaankaasi.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiyada Dadka Bariire.
Calamada.com