Taliyaha ciidamada Nasaarada Mareykanka ee Afrika qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) General Thomas Waldhauser ayaa booqasho qarsoodi ah ku taga ymagaalada Muqdisho laba maalmood ka hor wuxuuna la kulmay Farmaajo madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ah muwaadin heysta Jinsiyadda Mareykanka.
AFRICOM faah faahin dheeri ah kama bixin waxa looga wadahadlay kulanka dhaxmaray Thomas iyo Faraajo balse waxaa loo badinayaa in ay ka wada hadleen dagaalka lagula jiro xarakada Al Shabaab oo marxalad adag maraya.
Kulanka ayaa ka dhacay goob qarsoodi ah oo aan la sheegin, wararka qaar ayaa sheegaya in Taliyaha Mareykanka iyo Farmaajo ay isku arkeen qeyb kamid ah dhismaha garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ammaankiisa si aad ah loo adkeeyo.

Ciidamada Nasaarada Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay xasuuq daran ka geysanayay gobollo katirsan dalka Soomaaliya, waxaana kamid ah weerarkii Bariire oo lagu dilay 11 qof shacab ah iyo weerar kale oo ka dhacay duleedka degmada Jilib.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhanka cirka ka taageera ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa Itoobiya kuwaas oo qabsaday magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.