Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxey sheegayaan in weerar qorsheysan oo ka dhacay gudaha magaaladaasi lagu dilay xildhibaan ka tirsanaay maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Rag hubeysan waxey isgoyska Somali Star ee magaalada Kismaayo ku dilen Cabdi Xakiim Tima Faras oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka maamulka ‘Jubbaland’ ee ka dhisan magaalada Kismaayo.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarka lagu dilay xildhibaankaasi ay fuliyeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin,waxeyna Idaacadu intaasi ku dartay in raggii weerarka fuliyay goobta isaga dhaqaaqeen kadib markii ay ku guuleysteen dilka xildhibaankaasi.
Calamada.com