Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka waxay sheegayaan in dalkaas uu k dhacay weerar hubeysan, kaas oo lagu dilay dad Ameerikaan ah.
Goob ganacsi oo lagu magacaabo Emmorton Business Park oo ku taalla gobolka Meryland ee dalka Maraykanka ayuu weerarka ka dhacay, waxaana fuliyay nin hubeysan oo gudaha u galay xarunta ganacsi.
Rasaas ayuu ooda kaga qaaday 5 Ruux oo fadhisay beer ku taalla gudaha xarunta ganacsiga, waxaana uu goobta ku diley 3 Ruux, isagoona durba meesha ka cararay.
Saraakiisha Booliiska waxay sheegayaan in ay ku daba jiraan Ruuxa weerarka fuliyay oo ay sheegeen iney aqoonsadeen laguna magacaabo Raadi Labiib, sida magaciisa ka muuqatana waa qof Muslim ah.
Weli lama oga waxyaabaha ku riixay in qofkan uu weerarkan fuliyo, sida ay Booliisku sheegayaan, wuxuuna kudaba feylayaa weerarkan weeraro hore oo ka dhacay Maraykanka oo lagu xasuuqay dad Ameerikaan ah.
Dhawaan ayay ahayd markii weerar culus uu ka dhacay kalaab ku yaala magaalada LasVegas, kaas oo uu fuliyay nin Kirishtaan ah, wuxuuna ku diley 58 Ruux, isagoona dhaawacay boqollaal kale.