Wararka ka imaanaya Dalka Afghanistan waxay sheegayaa inay dhinteen 50 ka tirsan Maleeshiyaadka daba dhilifyada ayna dhaawacmeen tobonaan kale kadib weerar Istish-haadi ah oo lagu qaaday Saldhig ay Maleeshiyaadku ku lahaayeen degmada Miyuunad ee Gobolka Qandahaar.
Wararku waxay sheegayaan in weerarka loo adeegsaday gaari weyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, kaas oo lala beegsaday Xarun ay Ciidamada Meliterigu ku lahaayeen Gobolka Qandahaar.
Sarkaal u hadlay Xukuumadda Kaabuul ayaa sheegay in saakay waabarigii hore in Qarax weyn uu ka dhacay gudaha Saldhigga, kadibna ay dagaal yahanno si aad ah uhubeysan ay soo qaadeen weerar culus, isagoona tilmaamay inay ka hortageen weerarkaasi.
Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda howl-galkaasi, waxayna sheegeen inay ku dileen Lixdan askari oo ka tirsan Maleeshiyaadka maamulka daba dhilifka Kaabul.
Saldhiggan la weeraray ee Gobolka Qandahaar waxa uu yahay kan ugu weyn ee Ciidamada Meliterigu ay ku leeyihiin Gobollada dhaca dhanka Koonfurta ee dalka Afghanistan.
Weerarkan waxa uu imaanayaa laba maalmood kadib howl-galkii ballaarnaa ee Mujaahidiinta Daalibaan ay ka fuliyeen Gobolka Baktiika, kaas oo lagu dilay Boqollaal Maleeshiyaad ah, ayna ku jireen Saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Taliyihii guud ee Ciidamada Ammaanka u qaabilsnaa Gobolkaasi.